4 Ruux oo Xukun dil ah lagula fuliyay degmada Sablaale ee Shabeellaha Hoose.

Fagaare weyn oo ku yaala degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xukun dil ah lagula fuliyay rag katirsan dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Maxa’ed Farmaajo.

Xukunkan oo ay usoo daawasho tageen dad weyne badan ayaa waxaa ku dhawaaqay mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in afartoodaba ay ka tirsanaayeen dowladda Federalka ah, waxaana eedeysanaha koowaad lagu magacaabaa  Ayuub Xassan Buraale, oo 23 jir ah, kana tirsanaa maamulka Koofur Galbeed ugu magacaaban Kurtun waarreey.

Ayuub ayaa qirtay eeda loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in uu maalin u tagay nin Xildhibaan ah oo ay isgaranayeen kana dalbaday xil, kadibna loo gudbiyay Wasiir ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo u magacaabay dhirta iyo daaqa Kurtun waarreey.

Maacaabis kadib wuxuu sheegay inuu safar u aaday degaanka Golweyn balse meel dhexe lagu qabtay.

Eedeysanaha labaad wa  Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa, laguna eedeeyay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Baraawe, halkaas oo uu bulshada ku dhibi jiray.

Sida uu qaadigu sheegay, Xassan Cusmaan ayaa maxkamadda ka hor qirtay eeddan, wuxuuna sheegay inuu muddo sadax sano iyo bar ah kamid ahaa askarta maamulka Baraawe, kadibna uu aaday Afgooye si uu beer ugu tacbado, hase ahaatee, maalin ay is arkeen nin ay horey isku yaqaaneen oo ka tirsan DF, lagana dalbaday inuu sirdoon ahaan ula shaqeeyo soona gudbiyo haddey rag ka tirsan Al-Shabaab soo ag-maraan beertiisa, laakin isagoo shaqadaasi ku jira gacanta lagu soo dhigay.

Ninka sadaxaad oo lagu magacaabo Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) da’diisuna 40 ahayd ayaa isna kamid ahaa ciidamada Dowladda federaalka.

Sida uu qirtay ninkan, waxaa laga soo qabtay isagoo safar ugu socda degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya.

Ninka afaraad ee ugu dambeeya waa Xuseen Xassan Geelle oo 30 sano jir ahaa iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahahy ciidanka DF.

Ninkan ayaa isagana qirtay eeda loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in isagoo ku sugan deegaan hoostaga Dacaraha laga soo qabtay halkaas.

Dhamaan Eedeysanayaasha afarta ah oo qirtay eeda loo soo jeediyay ayaa lagu wada xukumey xukun Xaddu riddo ah, waxanaa durbadiba lagula fuliyay xukun dil ah fagaare weyn oo ku yaala Sablaale, dadkuna waxay ahaayeen kuwa faraxsan oo takbiirsanaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.