Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Askar lagu dilay NFD.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya in dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab habeenkii xalay ay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada Police-ka Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan Gaarisa.

Weerarka oo ahaa mid abaabulan, islamarkaana dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa ka dhacay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoostaga Gaarisa, waxaana ka dhashey khasaare kala duwan.

Ugu yaraan labo askari oo Kenyaati ah ayaa lagu dilay weerarka, halka sidoo kale ay Mujaahidiintu gubeen dhismihii shirkdda Safaaricom.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay weerar guulaystay ka fuliyay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga Gaarisa, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya waxayna gubeen saldhiggii deegaanka iyo xarunta shirkadda Safaricom” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay dardar xoog leh laga dareemayay weerarada ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan dhulka soomaaliyeed ee NFD.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.