Al-Shabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigga Mareykanka Ee Lamu. (Akhriso Bayaan)

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sannadkan 2020ka weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah ku qaaday saldhigga wada jirka ay u deggan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ee ku yaalla Lamu.

War goordhow kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah ciidamada aad u hubeysan oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay wada dagan yihiin ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Kenya, islamarkaana uu dagaal xoogan kasocda gudaha xerada sida lagu sheegay bayaan ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo goordhow kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay saldhigga ciidamada ee loo yaqaano SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee gobolka Lamu. Waxaa Saldhigga ku sugan boqolaal ciidamo Maraykan ah kuwaas oo qayb ka ah ciidamada dagaalka ka wada gobolkan bariga Afrika, sida lagu sheegay bayaan Al-Shabaab.

Aroornimadii hore ee saaka oo axad ah, ciidamo gaar ah oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada saliibiga Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee kasocda gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankooda u suuragashay inay si qarsoodi ah ku galaan gudaha ciidanka shisheeye, islamarkaana xoog ku galaan saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, iyagoona sheegay inuu hadda dagaalku ka socdo gudaha saldhigga lana wareegeen qeybo ka mid ah xerada.

Allaah fadligii, Dagaalyahanada Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen inay si qarsoodi ah kaga gudbaan sufuufta cadowga, ayna weeraraan saldhigaas aadka loo ilaaliyo, waxayna hadda la wareegeen qeybo ka mid ah xerada, iyagoo sidoo kalena khasaare lixaadleh gaarsiiyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenyaatiga ee halkaas dagan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu jiro khasaare hordhac ah soo gaaray ciidamadii la weeraray, isla markaana ay dagaalyahannadoodu burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan islamarkaana uu dagaalku weli socdo.

Ugu dambeyntii Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkan qeyb ka yahay olole dagaaleedka barakeysan ee loogu magacdaray “Qudus Lama Yahuudeynayo” ee lagu beegsanayo Mareykanka iyo danahiisa gobolka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.