Al-Shabaab Oo weeraray Saldhigyo Ciidamada DF ee ku yaala Afgooye.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen askar katirsan kuwa dowladda federaalka.

Weerarada oo ahaa kuwa abaabulan islamarkaana si wanaagsan loo soo qorsheeyey ayaa lagu ekeeyey saldhigyada Mukeyga iyo Haanta dheer oo ah labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka.

Weeraradan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu soo waramayaa in khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda, laguna soo furtay agab milliteri oo kala duwan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradan, waxaana ay sheegtay iney ku dishey tiro askar ah oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Waxaa muuqaneysa in Mujaahidiintu ay sii laba jibaareen howlgallada ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda federaalka ee Shisheeyaha kaga horeeyo deegaannada ay kusoo duuleen ee katirsan Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.