Askar iyo Saraakiil ku dhintay Weerarkii Xaaji Cali.

Faafaahinno dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerarkii aroornimadii hore ee Jimcihii, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana cagta lagu mariyay askartii goobta joogtay ayaa dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lasoo warinayaa ugu yaraan in 10 askari ay halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, kuwaas oo ay ku jiraan taliyaal ciidan.

Taliyaasha weerarka lagu dilay waxaa kamid ah Amaanduule Cabdikariin Hilowle, taliye Abuubakar Axmed Abuukar iyo saraakiil kale, waxaana saraakiisha la dilay ku jira taliyihii heystay ciidamada Xaaji Cali.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xaqiijisay in dagaalkaas ay kusoo furatay saanado hub ah oo ay ku jiraan labo gaari oo Cabdi bile ah, waxaana hadda degan goobihii lagu dagaallamay.

Ciidamada Xaaji cali jooga, waa markii labaad oo ay weerar culus kala kulmaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana hadda muuqaneysa iney ku jabeen duulaankoodii ay doonayeen iney ku qaadaan deegaanno lagu maamulo Shareecada Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.