Askar Maraykan ah oo ku dhintay Diyaarad kusoo dhacday Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in diyaarad milliteri oo ay leedahay dowladda Maraykanka kusoo dhacday wadankaas, xilli ay ku guda jirtay howlgallo ay ku beegsaneysay dad shacab ah.

Diyaaradda oo nooceedu yahay Hellecopter ayaa kusoo dhacday deegaanka Kiishaam ee gobolka Baktiika, waxaana dhintay dhamaan ciidamadii saarnaa.

Warar la helayo ayaa ku waramaya in ugu yaraan 4 askari oo saarnaa diyaaradda ay dhinteen, kuwaas oo ahaa ciidamada Maraykanka, halka ay diyaaraddu si buuxda u burburtay.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Afqaanistaan ayaa lagu qiritay burburka diyaaradda, iyo dhimashada 3 askari oo Ameericaan ah.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee keeney in diyaaraddu ay soo dhacdo, balse goobta ay ku dul heehaabeysay waxay ahayd aag dagaal, mana jiro dhanka kale war sheegasho ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.