Askar Yugaandhees ah oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Qoryooley.

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciiidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhiga ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin degmadaas.

Weerarka oo ahaa mid aad u culus ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka la gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo la hadlay Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in dagaalkii Qoryooley ay Mujaahidiintu ku dileen ugu yaraan  askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley wadanka iyo askari katirsan Dowladda federaalka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaalka kadib waxay dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duulaan tageen.

Qoryooley waxay kamid tahay degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ee ay Shisheeyuhu xooga ku joogaan, waxaana si joogta ah ula kulmaan weeraro culus oo uga yimaada dhinaca ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.