Carwo Caalami ah oo laga hirgeliyey Kuunya Barrow.(Sawirro)

Deegaanka Kuunya barrow ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose waxaa laga dareemayaa horumar aad u ballaaran oo dhan weliba leh, waxaana kamid ah dhanka ganacsiga, iyadoo ay magaaladu ku tallaabsaneyso isbedel muuqda.

Dhawaan waxaa deegaanka laga hirgeliyey carwo caalami ah oo ka dhigan Supermarket waxa weliba oo loo baahdo laga helayo.

Carwada Deeq Rabbi oo ay furteen ganacsato Soomaaliyeed ayaa ah carwo ku cusub deegaanka, islamarkaana dabooli doonta baahiyo badan oo dhanka ganacsiga ah.

Munaasabad ballaaran oo lagu daah furayay xafladda ayaa la qabtay, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si diirran usoo dhaweeyey.

Waxyaabaha lagu iibinayo carwadan waxaa kamida h dharka noocydiisa kala duwan, Electroniga, maacuunta, shumacyada, Roogaga, Qasaaladaha, Dahabka iyo Qalinka, iyo waxyaabo kale oo aad u badan.

Hoos ka daawo Sawirro laga soo qaaday Carwada Deeq Rabbi.


You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.