Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay Maraykanka iyo Canada.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan wadamada Maraykanka iyo Canada dilal loogu geystay dad Soomaaliyeed oo kamid ah jaaliyadaha ku nool dalalkaas.

Wararka ka imaanaya Maraykanka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Minneapolis oo ay ku badanyihiin Soomaalida.

Waxaa weerarka lagu soo qaaday Soomaalida loo adeegsaday mindi, iyadoona uu dhaawacmay wiil dhalinyaro ah, halka uu dhintay mid kale.

Dhanka kale weerar midkaas lamid ah ayaa lagu qaaday Soomaalida ku dhaqan wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Latin America, waxaana ugu yaraan lagu dilay halkaas 3 ruux.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida Canada waxay sheegeen in sedax ruux lagu dilay magaalooyinka Edmanton, Ontario iyo Alberto, mas’uuliyiin u hadlay laamaha ammaanka Canada waxay sheegeen in ay baaritaanno ku hayaan dhacdooyinkaan lagu dilay muwaadiniinta Soomaalida ah.

Wadamada reer galbeedka waxaa ka jira falal islaam naceyb ah oo ay la kulmaan Muslimiinta, waxaana dadka ugu badan ee la beegsado ku jira dadka Soomaaliyeed oo ah dad ku wanaagsan diinta Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.