Faafaahin: Booyado Shidaal oo Al-Shabaab kula wareegeen Dagaalkii Maanta.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cagta mariyay kolonyo ciidamo Bankraf ah oo sahay ciidan u siday ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh xerada Bellidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kolonyada ooa ka koobneyd illaa iyo 10 gaari ayaa saddex kamid ah waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka la gubay kuwa kale oo uu ku jiray gaari dagaal oo uu ku rakibnaa qoriga Zuuga.
Marka laga soo tago gawaarida booyadaha ah ee ay Xarakada Al-Shabaab la wareegtay, waxaa intaa u dheer saanado hub ah oo kala duwan kuwaas oo lau furtay kamiinka.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa gaaray ciidamada Bankrafta ee Maraykanka ka hoos shaqeeyo, balse weli lama helin tiro rasmi ah.
Ciidamo kale oo kasoo gurmaday dhanka Mukeyga Afgooye ayaa kahor inta aysan soo dhaqaaqin la kulmay weerar culus, kaas oo ka baajiyay iney gaaraan halkii lagu heystay saaxiibadooda oo u dhexeysay Wallaweyn iyo Bellidoogle.
Ciidamada Bankrafta ayaa ah askar uu tababaray Maraykanka islamarkaana u fuliya danaha gurracan ee uu ka leeyahay Soomaaliya, waxaana marar badan ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka Soomaaliyeed.