Iiraan oo sheegatay masuuliyadda Diyaaradii Ukraine ee lagu soo riday dalkaas.

 


Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Kacaanka ah ee Iiraan, islamarkaana laga akhriyay telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayay Iiraan ku sheegatay in iyadu ka dambeyso diyaaraddii dhawaan lagu soo riday wadankaas.

Bayaanka Ciidamada Kacaanka waxaa lagu sheegay in diyaaradda Ukraine ay soo dul martay saldhig xassaasi ah oo ay leeyihiin ciidamada, taasna ay keentay in gantaal lagu tuuro.

Sida bayaanka lagu sheegay, dhamaan saraakiishii masuulka ka ahayd gantaalka soo riday diyaaradda waxaa loo gudbiyay garsoorka Iiraan, si loo mariyo waxay mudanyihiin.

Xassan Ruuxaani madxweynaha Iiraan ayaa isagana qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in soo ridista diyaaradaas ay ahayd jariimo culus oo aan marnaba la dhaafi karin.

Wasiirka arimaha dibadda Iiraan Jawaad Dariif ayaa isagana dhankiisa wuxuu shaaca ka qaaday iney ka xunyihiin tallabadaas, waxa keeneyna ay ahayd xaaladda kacsan ee uu Maraykanku abuuray, sida uu hadalka u dhigay.

Diyaaradda burbrutay ayaa ka duushey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhahraan, waxaana daqiiqado yar markii ay hawada ku jirtay la ogaaday iney dhulka soo dhacday, ayna ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 176 qof.

badi dadka saarnaa diyaaradda waa Iiraaniyiin, halka muwaadiniin kasoo jeeda wadamada reer galbeedka oo lixdameeyo gaaraya ay kamid yihiin dadka dhintay.

Arintan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan dowladda Maraykanka ay Ciraaq ku dishey jeneraalkii shiiciga ee Qaasim Suleymaani, waxaana muuqaneysa in xiisadda ka dhexeysa labada dowladood ay si guud u saameyneyso caalamka oo idil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.