In Ka Badan 20 Isugu Jira Turki Iyo Askarta DF oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxii Afgooye.

Maanta oo Sabti ahayd waxaa duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay weerar nafhurnimo ah oo aad u xoogganaa kaasoo lala beegsaday Injineero Turki ah iyo ciidamo Soomaali ah oo ay iyagu tababarteen.

Weerarkan ayaa waxa uu si rasmi ah kaga dhacay halka loo yaqaano Boodboodka oo afgooye kaga beegan dhanka magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeen oo soo gaaray dhinacyadii la beegsanayay.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku dhintay 2 Turki ah iyadoo 5 kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada DF-ka dhankooda waxaa kaga dhintay 4 askari, halka ay ka dhaawacmeen 9 kale.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliye ku xigeenka ciidamada Turkidu tababaratay ee loogu magac daray xayawaanka Haramcadka la yiraahdo. Taliye ku xigeenka ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Fanax.

Intaa waxaa dheer in weerarka nafhurnimada ah uu burburiyay 4 gaari oo kuwa gaashaaman ee ay Turkidu leeyihiin, walow ay jiraan gaadiid kale oo ay ciidamada Soomaalidu wateen oo ay waxyeellooyin gaareen.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxaa laga dheehanayaa burburka gaadiid badan iyo ciidamo aan badnayd oo ay siigadu qarisay, aadna u naxsan.

Intaasi kadib waxay Turkidu la kulmeen weerar kale oo qarax ah, kaasoo mar kale dhaxal siiyay khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa lala helay gaadiidkii ay dhaawacyada ku wateen xilli uu kusii jeeday Muqdisho islamarkaana uu marayay Siinka dheer.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ay sheegtay iney cambaareeneyso weeraran oo ay ku tilmaantay kuwa Argagixiso.

Turkida ayaa kamid ah dowladaha kusoo duulay Soomaaliya, waxaana ay ciidamada shisheeye dheer yihiin iney cuuriyaamiyeen dhaqaalaha wadanka, dhanka kalana wadaan qaab is ballaarin ah oo ay ku doonayaan iney dalka ku hantaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.