Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa kaga digay iney u Safraan Kenya.

Kadib weerarkii cuslaa ee Manda Bay, waxaa xaalad cakirnaan ah oo dhanka amniga ah laga dareemayaa wadanka Kenya, iyadoona dadku ay muujinayaan cabsida la xiriirta suurtagalnimada iney dhacaa weeraro horleh.

Dowladda Ingiriiska ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay waxay muwaadiniinteeda kaga digtey iney u safraan wadanka Kenya, gaar ahaan gobollada soo xiga xuduud beenaadka dhanka Soomaaliya, iyadoo sheegtay iney dhici karaan weeraro horleh.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa muwaadiniinta wadankaas waxaa looga digay iney aadaan gobollada Laamu, NFD, iyo Tana Riva, halkaas oo ay sheegtay iney ka dhici karaan weeraro beegsada dadka reer galbeedka ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegaysa iney suuragal tahay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro culus ka fuliso guud ahaan wadanka Kenya, halkaas oo uu faraha ka baxay amniga, saacad kastana la filan karo weeraro ka yimaada dhinaca Mujaahidiinta.

Kenya, waxaa sanadkiiba soo booqda 190 kun oo ruux oo u dhashey wadanka Ingiriiska, taasina waxay ka dhigneyd dhaqaale ballaaran oo kusoo dhaca qasnadda dowladda, balse haddii ay dadkaas baaqdaan ayaa ka dhigan dhaqaalaha dowladda oo hoos u dhaca.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidama katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhiga Manda Bay oo ay degnaayeen ciidamo Maraykan iyo Kenyaati isuga jira, waxaana halkaas ay Mujaahidiintu ku dileen 17 Maraykan ah iyo 9 Kenyaati ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo bayaan soo saartay weerarka kadib ayaa ku hanjabtay iney qaadi doonto weeraro lamid ah kii Manda Bay oo ka dhici doona wadanka Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.