Kolonyo Bankraft ah oo cagta lagu mariyay Shabeellaha Hoose.

Weerar dhabbogal ah oo aad u culus ayaa kolonyo katirsan ciidamada uu tababaray Maraykanka waxaa loogu dhigay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, barqanimadii maanta.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijinaya in milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ciidamo Bankraf ah oo sahay ciidan u siday saldhiga Bellidoogle oo ah taliska ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Weerarka kamiinka ah ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Wallaweyn iyo saldhiga Bellidoogle, waxaana kolonyada ay ka koobneyd ugu yaraan 10 gaari, kuwaas oo wax la gubay iyo wax gacanta lagu dhigay noqday.

“Allaah fadligii howlgalkan qorsheysan waxaan ku beegsanay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaatka loo yaqaano “DANAB” ee uu Mareykanku soo tababaray, kuwaas oo Zaad u waday dhanka Balidoogle, maleeshiyaatkii iyo kolonyadiiba cagta ayaan marinay, gaadiidkii oo ay wateen oo dhana qaar waan soo ganiimeysanay, qaarna waan gubnay” ayuu yiri sakraal katirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay Warbaahintu soo xiganeyso.

Wixii kusoo kordha weerarkan waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.