Macallimiin Kenyaati ah oo lagu dilay gobolka Gaarisa.
Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay muwaadiniin Kenyaati ah oo kamid ahaa dadka xooga ku degan NFD.
Weerar ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kamuuda oo qiyaastii 35 KM ujira magaalada Gaarisa ee dhulka NFD ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 ruux oo muwaadiniin Kenyaati ah, islamarkaana ahaa macallimiin faafineysay manhajka dowladda Kenya ee waxbarashada.
Macallimiintan Kenyaatiga ah ee la dilay ayaa ku sugnaa xero ciidan oo Booliisku leeyihiin, taas oo ay weerareen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Kamuuda ee dhaca duleedka Gaarisa waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka, Alle mahaddiis mujaahidiinta ayaa dilay sedax Macalimiin Nasaaro Kenyaan ah waxayna gubeen saldhiggii Booliska iyo xarumihii maamulka waxayna soo qaniimeysteen hub ay goobta uga carareen ciidamada Kenya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mujaahidiinta.
Weerarka waxa sidoo kale lagu burburiyay xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo ah shirkad ay leedahay dowladda Kenya.
Waa weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dhulka NFD, kaas oo bilihii lasoo dhaafay marti gelinayay weeraro joogta ah oo lagu beegsanayo ciidamada iyo muwaadiniinta Nasaarada Kenya.
Kiinyaay kibirkiyo
Kacdoonki ma eeday
Kismaanyo anaa leh
Kulayl makaqaaday
Kudhaa galideeda
Kaskiin xumi diisa
Kacdoon dumistiisa
Kitaabka quraanka
Kariim hadal kiisa
Kukuuyo ma eeday
Adoon kalyo wayn
Kibroo been run mooday
Sidaa kiinya weeye
Kifaaaxa jihaadka
Kitaabkan koryeelki
Shabaab u kacoo
Kufriga nacayoo
Kasaaya axkaamta
Kafaro lagu laayo
Kariim naga beeray
Katiibada duusha
Kash kaan kajec laaye
Kariim mahadaada
Shukriga kulifaaqan
Kuniyo kabadnaa
Kusiinay rabow