Maraykanka Oo qirtay Khasaaraha ku gaaray Weerarkii Laamu.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay khasaaraha ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkii cuslaa ee maalintii shalay oo Axad ahayd ciidamo katirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Masimba ee Laamu.

Africom ayaa qiratay qeyb kamid ah khasaaraha kasoo gaaray weerarkii lagu qaaday saldhigeeda ku yaala gobolka Laamu, waxaana ay qirtay dhimashada 3 Maraykan ah, iyo dhaawaca 2 kale, kuwaas oo ay sheegtay iney kala ahaayeen askar iyo Qandaraaslayaal.

“Intii uu socday weerarka ay Al-Shabaab soo qaaday, waxaa saldhiga Manda Bay lagu dilay askari Maraykan ah, 2 qadaraasle oo Maraykan ah, halka ay dhaawacmeen labo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa tacsi murago ay ka muuqato u diray ehellada ciidamada ku dhintay weerarkii Laamu, wuxuuna sheegay iney la qeybsanayaan murugada iyo dhibaatada.

Waxaa sidoo kale bayaanka kasoo baxay Africom lagu xaqiijiyay in weerarka lagu gubay ugu yaraan 6 diyaaradood oo xilliga weerarka uu dhacayay yaalay halka ay diyaaradaha caga dhigtaan ee gudaha saldhiga.

Dad badan waxay rumeysanyihiin in qirashada Maraykanka ee qeyb kamid ah khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Manda Bay ay tahay iyadoo mu’assasada Al-Kataa’ib ay baahisay sawirrada ciidamada Mujaahidiinta oo ku dhex sugan saldhiga, sidoo kalena diyaarado dhowr ah gubaya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay weerarkii Manda bay waxay ku xaqiijisay iney ku dishey 17 askari oo Maraykan ah, 9 Kenyaati ah, halka ay ku gubtay 7 diyaaradood iyo 5 gaari oo noocyada ciidamada ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.