Munaasaba lagu bogaadinayay Weerarkii Manda Bay oo ka dhacday Galgaduud.(Sawirro)
Wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa soo qaban qaabisay munaasabad aad u ballaaran oo lagu bogaadinayay weerarkii weynaa ee 10-kii Jamaadul Awal ee sanadkan, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Maraykanka ee gobolka Laamu.
Munaasabadan oo ka dhacday magaalada Ceelbuur ee xarunta wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne aad u farabadan, waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka, masuuliyiinta ugu sarreysa wilaayada iyo ehellada qaar kamid ah dadkii uu Maraykanku ku diley duqeyn ka dhacday wilaayadaas.
Xafladda oo ahayd mid aad u heer sarreysa, loona soo diyaariyay si qurux badan ayaa waxaa kalimaad kala duwan ka jeediyay masuuliyiin uu ku jiro waaliga wilaayada islamaiga ee Galgaduud Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid, kaas oo sheegay in ka wilaayo ahaan ay aad u hambalyeynayaan weerarkii weynaa ee Manda Bay.
Xafladda intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay tacaddiyaadka uu geysanayo Maraykanka ee soo dedejiyay jawaabta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana sidoo kale goobta lagu daawday filimkii uu kasoo muuqday Sheekh Abuu Cubeyda ee uu ku sogaatiyay raggii weeraray Bellidoogle.
Waxaa xusid mudan in wilaayada islaamiga ee Galgaduud ay deeq lacageed oo isgarab taag ah siisay ehellada dad shacab ahaa oo uu Maraykanku ku diley duleedka Ceelbuur sanadkii 2018-ka, waxaana mid qoyskiiba la siiyay afar boqol oo doollar.
Hoos ka daawo Sawirrada Munaasabadda lagu bogaadinayay weerarkii Manda Bay.