Qarax uu ku dhaawacmey Sarkaal Turki ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax la beegstay kolonyo katirsan ciidamada dowladda federaalka oo gelbinayay saraakiil Turki ah oo howlo dhismo ah ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa oo dhacay xilli ay kolonyada isticmaaleysay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada dowladda iyo saraakiishii Turkiga.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamadii ilaalinayay saraakiisha Turkiga ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey sarkaal Turki ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan qarax ah ee lagu beegsaday ciidamada dowladda iyo saraakiisha Turkiga.

Turkiga ayaa qeyb ka ah Shisheeyaha duulaanka kusoo qaaday Soomaaliya, waxaana marka laga soo tago duulaankiisa milliteri u dheer mid kale oo dhaqaale oo uu ciririi ku geliyey ganacsatada Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.