Rag Basaas u ahaa DF oo Hiiraan lagu dilay.(Dhagayso Qaadiga)

Wilaayada islaamiga ee Hiiraan waxaa ka dhacay xukun Xaddu Ridda ah oo lagu fuliyay 3 ruux oo lab kamid ah lagu eedayay iney ahaayeen Jawasiis u shaqeyneysay Dowladda federaalka, gaar ahaan maamulka Hir Shabeelle.

Labada eedeysane ee Jawaasiista ahaa waxaa lagu magacaabaa Cabdul-Qaadir iyo Cabdul Caziiz, waxaana ay ka dambeeyeen howlgal gaar ah oo sarkaal katirsan dowladda federaalka ku beegsaday taliyaha ciidamada Xisbada ee Ceel Cali.

Ninka sadexaad waxaa lagu magacaabaa Faarax Cali Jibriil, waxaana uu katirsanaa ciidamada dowladda federaalka, isagoo wada gaari mukhaadaraad u sida ciidamada Xabashida ee Halgan jooga ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhamaan saddexda qof waxay maxkamadda ku riday xukun Xaddu Ridda ah, iyado amartay in lagu dilo, fagaara weyn oo ku yaala Hiiraan ayaana lagu dilay.

Halkan ka dhagayso mid kamid ah Qudaada oo riday Xukunka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.