Sarkaal lagu dilay Boosaaso iyo Askar lagu Weeraray duleedka Baydhabo.
Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu dilay saraakiil iyo ciidamo katirsan maamul goboleedyada Puntland iyo Koonfur galbeed.
Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu dilay taliye ciidan oo ka tirsan maamulka Puntalnd.
Taliyahan oo lagu magacaabi jiray Cige Ducaale, islamarkaana lagu naaneesi jiray (Cige Dheere) ayey rag hubeysani ku khaarajiyeen gudaha magaalada Boosaaso.
Cige ayaa sida goob joogayaal sheegayaan waxaa loo dilay qaab aanan la fahmi karin, iyadoona muddo kadib dhacdada ay meydkiisa qaadeen ciidamo gurmad ah.
Wuxuu ahaa taliye horin qaabilsan aagga Galgala, isagoo sidoo kale hogaan ciidan kasoo noqday meelo kale duwan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka taliye Cige, Sidoo kale maamulka Puntalnd ayaa sheegay iney cambaareynayaan dilkiisa.
Marar badan magalada Boosaso waxa ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaas oo lala beegsaday saraakiil muhiim u ahaa maamulka uu hogaamiyo Siciid Deni.
Dhanka kale howlgal ay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saaka ka fuliyeen duleedka maagalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ,waxaana sidokale laga furtay qoryihii ay ku hubeysnayeen.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Mujaahidiinta ay weerar kula wareegeen deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku furteen hub iyo saanad kala duwan.