Sawirro: Beesha Habas-Guul Ee Jubooyin oo Ugaas Cusub Ku Caleema Saaratay Bu’aale.

Beesha Habas-Guul oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa Ugaas cusub ku caleema saaratay magaalada Bu’aale ee Wilaayada Jubooyinka.

Ugaas Maxamad Ugaas Axmad Shide ayaa loo caleema saaray inuu hogaan diineed u noqdo beesha qeybteeda degta Jubooyinka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mas’uuliyiintii goob joogga ahaa waxaa kamid ah Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla, Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka, kaasoo gunaanadkii munaasabadda Ugaaska gudoonsiiyay calanka Towxiidka, Kitaabka Qur’aanka kariimkma, dhiil caano ah iyo Qori cusub oo AK47 Ah.

Dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ayaa waxay ugaaska ku dhuura galiyeen inuu xil weyn iska saaro mas’uuliyadda ay beeshiisa u dhiibatay islamarkaana noqdo Ugaas dadkiisa ku dhaqan Shareecada Iskaamka.

Xigasho: Radioalfurqaan.com

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA MUNAASABADDA CALEEMA SAARKA UGAASKA HABAS-GUUL

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.