Sh/Yuusuf Kaba Ku Dukade oo Ka Hadlay Arrimo Muhim Ah.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Ku Dukade) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan degmooyin iyo degaano kala duwan.

Wuxuu sheegay in heer wanaagsan uu marayo ol’ole lagu ballaarinayo degmada Ruunirgood taasoo marka la eego qaabka ay hadda u dhismayso la dhihi karayo waa Ruunirgood cusub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulku uu dhisay xarumaha danta guud sida:- dugsiyada iyo iskuullada.

Intaa waxa dheer oo uu ka hadlay dagaaladii is xigxigay ee cagta lagu mariyay ciidamadii DF ee joogay tuulada Xaaji Cali iyo culeyska gobolka ku heysta ciidamada shisheeye ee Burundi.

Gunaanadka wareysiga wuxuu dardaaran u jeediyay dadka ku dhaqan gobolka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, isagoo dareensiiyay shisheeyaha dalka kusoo duulay iyo dhibaatooyinka ay ku qabaan.

Halkan Ka Degso Wareysiga Sheekh Yuusuf Kaba-ku-dukade MP3

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.