Taliyihii Sirdoonka Degmada Qoryooley oo Muqdisho Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in sarkaal sare oo katirsan ciidamada PS-ta dowladda federaalka lagu dialy magaalada Muqdisho.

Taliyihii ciidamada BS-ta ee degmada Qoryooley ninka lagu magacaabo Cali Cismaan Dhaayow ayaa rag hubeysan waxay ku dileen xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Raga dilka geystay ayaa markii ay howshooda fuliyeen ka baxsaday goobta, waxaana goordambe meydka sarkaalka qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan oo ku daba feylaya howlgallada Muqdisho ay ka wadaan ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.