Beesha Ciroole oo xiratay Machad sharci ah.(Sawirro+Maqal)

Munaasabad balaaran oo lagu hilbo cunay laguna cabay caanno ayaa ka dhacday Tuulada Nasrudiin oo hoostagta degmada Baraawe ee shabeelaha Hoose.

Waaliga shabeelaha Hoose sheekh Maxamed Abuu Usaama.odayaal dhaqan iyo Arday udhashay beesha Ciroole ayaa halkaan ku wada sugan.

Ujeedka Munaasabad loo qabtay ee qarashka iyo dadaalka badan loo galiyay ayaa ah in Beesha Ciroole ay kusoo xiranayso Machad sharci ah oo ufurmaa Muddo laba sanno iyo afar Bilood ah islamarkaana ay udhiganayeen Ardayda udhashay beesha kuwaasi oo Tiradoodu naloogu sheegay 60 Arday.

Macaahid badan oo aan arkay ama tagay wuu ka duwanyahay Machadkaan ay soo xiratay beesha oo loogu magac daray Machadka Cumeyr Guurow.

Waan filayaa inaad is weydiineysid waxa uu kaga duwanyahay macaahida kale.

1-Xarakada shabaabul mujaahidiin waxaa udagan shuruud ku horgudban macaahida ay furanayaan qabaa’ilka.

Shuruudaasi waxaa kamid ah in ubadka lasoo xareynayo ay wax ka yaqaanaan quraanka kariimka.

Machadkaan shardigaasi iyo kuwa kale waa laga qafiidiyay sababtoo ah arday ayaa ahaa kuwa aanan waxba qorin waxna aqrin oo laga soo qoray dhulka miyiga iyagoo reerahooda uraacaya xoolo..

Hadaba Hoos ka dhagayso warbixin ku saabsan Machadka.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Machadka Beesha Ciroole

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.