Abey Axmed oo kala qeybiyay Soomaaliya.(Khariirad Cusub)
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay sawirka khariirad cusub oo uu Soomaaliya ka gooyay gobollada Wuqooyi galbeed ee uu ka arrimiyo maamulka Soomali-land.
Khariiradan cusub ayaa muujineysa iyadoo gobollada wuqooyi galbeed aaney ku jirin khariiradda Soomaaliya, tan oo loo micneeyey mid uu Abey Axmed ku kala qeybinayo Soomaaliyada midda ah ee ay dadku wadaagaan diin, dal iyo luuqad intuba.
Soomaali badan aaa aad uga qeyla dhaamiyay tallaabada cusub ee Abey Axmed, waxayna sheegeen in ninkan uu doonayo inuu kala qeybiyo Soomaaliya, islamarkaana iska hor keeno Soomaalida walaalaha ah.
Arintan ayaa waxa imaaneysaa iyadoo dhawaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed uu Itoobiya ku kulansiiyay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Soomaali-land Muuse Biixi.
Horay ayaa wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya maab ay ku faafisay barteeda Internetka waxay khariiradda Africa kaga tirtirtay Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in Itoobiya ay dooneyso iney liqdo guud ahaan Soomaaliya.