Al-Shabaab Oo weerar toos ah ku qaaday Wasaaradda Gaashandhiga ee Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si aad ah u qalabaysan ayaa xalay fiidkii weerar toos ah ku qaaday wasaaradda gaashaandhigga DF ee magaalada Muqdisho.
Xaruntan ayaa waxaa laga weeraray dhowr jiho iyadoo xaafado badan oo ka tirsan Dayniile iyo Hodan si aad ah looga maqlayay hubka la isku adeegsanayay.
Inta badan waxaa xarunta lala beegsanayay hub culus halkaasoo ay deggan yihiin saraakiisha ugu sarreysa DF.
Ilo wareedyo ayaa laga soo xigtay in weerarka qeybtiisa hore lagu beegsaday ilaalada wasaaradda, kadibba qeybaheeda kale la beegsaday.
Waxaa la rumeysan yahay inuu jiro khasaare waayo gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta soo gaaray 30 daqiiqo kadib weerarka.
Madaxweynaha DF ayaa dorraad booqday xaruntan, isagoo kormeer ku sameeynayay tirakoobka ciidamada, oo ay soo dalbatay safaaradda Mareykanka ee Xalane, si ay mushaaraad u siiso.