Askar Burundi ah oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe iyo Werar ka dhacay Buufow.

Faafaahin  ayaa laga helayaa qarax khasaare dhaliyay oo maalintii shalay gobolka Shabeellaha dhexe lagula beegsaday ciidamada Shisheeyaha ee Burundi ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo hoosyimaada Mahadaay, waxaana uu geystay khasaare gaaray askarta Burundi.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiinaya in ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada Burundi lagu dilay qaraxa.

Deegaankan wuxuu si joogta ah u marti geliayaa weeraro qaraxyo ah oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsato Shisheeyaha marka ay isku dayaan iney dhaqdhaqaaq sameeyaan.

Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay weerareen ciidamada Shisheeyaha ee heysta deegaanka Buufow oo u dhow magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaal in muda ah socday ayaa ka dhacay difaacyada Shisheeyaha, lamana soo sheegin tafaasiisha rasmiga ah ee weerarkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.