Askar katirsan Hir Shabeelle Oo lagu dilay duleedka Jowhar.

Howlgal burcad sifeyn ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay ku dileen askar katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta ay dileen ugu yaraan 2 askari oo katirsan kuwa Hir Shabeelle oo ku sugnaa isbaaro ku taalla duleedka Johwar.

Isbaaradan ayaa ciidamada Hir Shabeelle waxay ku baartaan gawaarida iyo dadka shacabka ah, iyadoona marar badan lagu dhibaateyey dad Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago labada askari ee lagu dilay weerarkan, waxaa askartaas laga furtay hubkii ay ku dagaallamayeen oo ahaa qoriyaal AK ah iyo booshashkooda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.