Askar Kenyaati ah Oo lagu weeraray Gaarisa NFD.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay bar kontorool oo ku taalla deegaanka Halluuqa ee gobolka Gaarisa, waxaana lagu weeraray ciidamo katirsan Police-ka Kenya ee ku sugan gobolkaas.

Warar la helayo ayaa kusoo waramaya in khasaare kala duwan weerarkaas lagu gaarsiiyay ciidamada booliiska Kenya, kuwaas oo lagu kediyay weerarka, iskana caabin waayay ciidamada Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ma helin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray askarta Kenya, waxaana weerarkan uu ku feylayaa weerarada joogtada ah ee NFD loogu geystay ciidamada Kenya iyo muwaadiniinta Nasaarada ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.