Dagaallo Culus oo Saaka Lagu qaaday Saldhigyo ciidan oo ku yaala Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka qaaday weeraro saf ballaaran ah oo lagula jarmaaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka gaar ahaan askarta uu Maraykanku tababaray.

Meelaha Shisheeyaha lagu weeraray waxaa kamid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanka Nambar lixdan, waxaana dagaalladu ahaayeen kuwa xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar cag marin ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ahaa cag marin, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay buutka kula tunteen askarta dowladda federaalka oo u muuqday kuwa lagu kediyay duulaanka.

Wixii faafaahin ah ee soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.