Dhageyso:Xaaladaha diin La’aanta ah ee Caruurta Soomaalida Ingariiska.

Dalalka qurbaha waxaa ku yaacay Soomaali badan burburkii dowladii siyaad Barre kadib.

In dadka la dhoofiyo iyagoo lagu daad gureynayo maraakiib ama lacag laga qaato waxay ahayd ujeedo laga lahaa in la hello dad Soomaali ah oo sheeganaya inaysan heysan diinta islaamka ama ka baxeen.

Macalim Muddo ku noolaa dalka Ingariiska ayaa si qoto dheer umilicsaday xaaladaha dhabta ah oo ay ku suganyihiin Caruurta Soomaaliyeed.

Qisada ugu horeysa ee uu soo wariyay ayaa ahayd inuu la kulmay gabadh kamid ahayd caruurta uu wax udhigayay taasi oo ku tiri hadal uu la yaabay xili uu doonayay inuu kasaxo aayad ay si qaldan u aqrinaysay.

sheeko kale oo uu ku macneeyay inay ahayd tii uu kaga quustay in caruurtiisa uu geeyo dalka Ingariiska ayuu barehaan soo gudbiyay.

Dhaqan rogga xoogga leh ee dhalinyarada ku nool qurbaha waxaa dheeri ka ah waalidiin caruurtooda xoog looga qaatay kuwaasi oo loo gacan galiyo hey’ado ubadka ku tarbiyeeya kirishtaanka.

Halkan ka dhagayso Codka Macalimka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.