Dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Mid kamid ah dilalka ayaa ka dhacay wadada Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho, waxaana loo geystay askari katirsan ciidamada booliiska dowladda federaalka.

Rag hubeysan ayaa dilkan geystey, kuwaas oo markii dambe si nabad geliyo ku dheehantahay goobta uga tagay.

Sidoo kale deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay ku dileen askari katirsan ciidamada dowladda federaalka, kaas oo ay ka qaateen qorigii uu ku hubeysnaa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.