Dilala Qorsheysan oo ka dhacay magaalada madaxda Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay ay dheceen dilal qorsheysan oo loo geystay saraakiil katirsan dowladda federaalka.

Rag hubeysan ayaa degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal katirsan ciidamada sirdoonka qeybtooda dhar cadka, waxaana ay goobta uga tageen si nabad geliyo ah.

Sarkaal kale oo isna katirsan PS-ta ayaa lagu dilay degmada Dharkeenely, waxaana magaciisa lagu sheegay Hilowle Aboor, raggii dilka geystana goobta ayay isaga tageen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalladan gaarka ah ee lagu dilay saraakiisha Sirdoonka ee dowladda federaalka, waxaana Muqdisho joogta ah howlgallada ugaarsiga ah ee lagu hayo saraakiisha iyo xubnaha dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.