Diyaarad dagaal oo lagu soo riday Wuqooyiga Suuriya.

Kooxaha Kacdoon wadayaasha iyo Jihaadiyiinta Suuriya oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan diyaarad dagaal oo uu leeyahay Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Diyaaradda lasooriday oo nooceedu ahaa Hellecopter ayaa kusoo dhacday qeybo kamid ah deegaanka An-Neyrab ee Idlib, waxaana la arkayay muuqaallada iyadoo holceysa.

Kooxaha Kacdooon wadayaasha aya sheegtay masuuliyadda diyaaradda lasoo riday, waxaana ku dhintay dhamaan duuliyeyaashii diyaaradda oo katirsanaa nidaamka Al-Asad.

Dadka jooga wuqooyiga Suuriya ayaa aad ugu farxay tallaabada lagu soo riday diyaaradda, waxaana la arkyaya iyagoo aad u takbiirsanaya.

Tani waxay kusoo aadeysaa iyadoo wuqooyiga Suuriya ka dhacayaan dagaallo xoogan oo dhexmaraya Muslimiinta iyo Nuseyriyada duulaanka soo qaaday oo taageero ka helaya Rawaafida iyo Ruushka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.