Dowladda Federaalka iyo Kooxda Suufiyada Oo Galgaduud ku dagaallamay.

Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa kooxaha Suufiyada ee lagala wareegay maamulkii magaalooyinkaas.

Dhinacyada is haya oo mudooyinkii u dambeeyeyba ay xiisadooda taagneyd ayaa fooda is daray ugu dambeyntii, waxaana dhexmaray dagaallo culus oo aan waxba la isku reeban.

Muuqaallada baraha Internetka lasoo dhigay ee ku aadan dagaallada ayaa muujinaya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo haawanaya, islamarkaana labada ciidan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoriyaasha cul culus.

Inkabadan 10 askari ayay labada dhinac iska dileen, halka dhaawacyadu ay tobanaan gaarayaan, waxaana dadka la dilay ugu caansan taliyihii madaxtooyada maamulka Galmudug ee uu hogaamyo Qoor-qoor oo lagu magacaabo Cabdi Yare.

Weli xiisad ayaa ka taagan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana is hor fadhiya labada ciidan, iyadoo la filan karo in mar weliba uu dagaalku billowdo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.