Howlgallo ka dhacay Shabeellaha Hoose oo lagu beegsaday Askarta DF.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo Jihaadi ah ka dhaceen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday askarta ciidamada dowladda federaalka.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray askarta dowladda federaalka ee difaacyada ku leh deegaanka Ceeli Saliini ee dhaca duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus, oo dhinacyo badan ay Mujaahidiintu ka qaadeen, waxaana ciidamada dowladda federaalka ay ka badin waayeen iney gambadaan maadaama rasaasta lagu kediyay.

Sidoo kale, qarax xoogan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa ku dhaawacmey qaraxan, kuwaas oo xaaladooda ay kala duwantahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.