Inkabadan 10 Askar Yahuud ah oo ku dhaawacmey Weerar ka dhacay Al-Qudus.

Wararka ka imaanaya dhulka barakeysan ee Filastiin ayaa ku waramaya in qof muslim ah uu weerar gaari jiirsiin ah ku qaaday askar katirsan maamulka Yahuudda oo ku sugnaa bartamaha magaalada Al-Qudus.

Gaari nooca xamuulka ah oo uu watay qof dhalinyaro Filastiini ah ayaa jiiray askar Yahuud ah oo ku sugnaa wadada David Reims ee magaalada Al-Qudus, isagoona halkaas ku dhaawacay askar badan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 14 askri oo Yahuud ah ay ku dhaawacmeen howlgalkan gaari jiirsiinta ah, islamarkaana qaar kamid ah dhaawacyada ay xaaladooda aad u liidato.

Wiilka dhalinyarada ah ee weerarka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana halka uu ka dhacay weerarka soo gaaray askar badan oo Yahuud ah, kuwaas oo baadi goobaya wiilka dhalinyarada ah.

Ciidamada Police-ka Yahuudda waxay sheegayaan iney aqoonsadaan taargada gaariga balse illaa iyo hadda kuma guuleysan iney gacanta kusoo dhigaan.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo keligii duulnimo ah kana dhaca magaalada Al-Qudus, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Donald Trump dhawaan ku dhawaaqay waxa uu ugu yeeray heshiiska Nabadda ee uu dhulka Filastiin ku siiyay maamulka Yahuudda.

Muslimiinta Filastiin iyo guud ahaan caalamka ayaa ka horyimid go’aanka Donald Trump, balse muslimiinta Al-Qudus ayaa ficil kaga jawaabaya sida muuqata hadalka Trump ee jees jeeska ahaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.