Inkabadan 10 Ruux oo lagu dilay Weeraro hubeysan oo ka dhacay Jarmalka.

Wararka ka imaaanaya wadanka Jarmalka ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay weerar ka fuliyeen mid kamid ah magaalooyinka wadankaas, halkaas oo ay ku dileen tira dhowr ah.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u beegsaday goobo lagu caweeyo, islamarkaana lagu cabo shiishadda oo ku yaala magaalada Hanwa ee gobolka Hiirsin galbeedka wadanka Jarmalka.

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhimatay weerarkan, warbaahinta qaarna waxay sheegayaan iney ku jiraan dadkii weeratka fuliyay, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen dadyow aad u badan oo xilligaas goobta joogay.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee dhaliyay weerarkan, Policeka wadankaasna weli ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku aadan, balse waxaa socda baaritaanno.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.