Maamulihii Shirkadda Hormuud ee Jilib Oo Duqeyn diyaaradeed lagu dilay.
Gelinkii dambe ee maanta, ayaa diyaaradaha Maraykanka waxay duqeyn ku dileen maamulihii shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Jilib.
Ganacsadaha la duqeeyey waxaa lagu magacaabaa Maxmuud Xaaji, wuxuuna ahaa qof beeralley ah, marka laga soo tago inuu ahaa maamulaha xarunta shirkadda Hormuud ee magaalada Jilib.
Xilliga la duqeynayay wuxuu Maxmuud Xaaji ku sugnaa beer uu ku lahaa duleedka magaalada Jilib, waxaana tani aad uga xumaaday dadka reer Jilib.
Wiil uu adeer u yahay maamulaha la dilay ayaanu wareysanay, wuxuuna ka warbixiyay sida loo dilay adeerkiisa.