Maraykanka Oo Gabar 20 jir ah ku dilay magaalada Jilib.

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa sii wada duqeymahooda wuxuuxshnimada ah ee ay ka fulinayaan qeybo kamid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada wilaayaadka islaamiga ah.
Duqeyn saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada hoose, islamarkaana ay fulisay diyaard Drone ah ayaa waxaa ku naf waayay gabar 20 jir ah oo kamid ah dadka magaalada, islamarkaana xooga madaxa looga jiray.
Diyaaradda ayaa dhowr gantaal ku dhufatay guriga qoyska ay musiibadu gaartay oo kamid ah dadka magaalada Jilib, waxaana marka laga soo tago dhimashada gabadhaas dhaawacmey gabar kale iyo hooyadii dhashey.
Dhaawacyada waxaa hadda lagu dabiibayaa isbitaalka dhexe ee magaalada Jilib, halkaas oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayaan.
Duqeynta kadib waxaa ehelka u gurmaday dadka magaalada, kuwaas oo sheegay in Maraykanku markan wejigiisa dhabta ah uu banaanka keeney, kalana jecleyn Shacab iyo dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Tan iyo markii uu Donald Trump la wareegay talada Aqalka cad ee wadankaas, waxa uu Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal, qaraarkaas ayaana dhaliyay in diyaaradaha Maraykanka ay Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo aan loo meel dayin oo ay ku naf waayeen tobanaan ruux oo Soomaali ah.