Masuul katirsan Xukuumadda Kheyre Oo Muqdisho Lagu beegsaday.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay masuul sare oo katirsan xukuumadda Xasan Cali kheyre.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lala eegtay gaari uu watay Agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha guud ninka lagu magacaabo  Axmed Maxamed.

Agaasimaha ayaa la qarxiyay xilli uu marayay carwadii hore ee Hodan, waxaana qaraxa ku dhintay darawalka Agaasimaha, halka uu isagu badbaaday.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in gaariga uu gaaray burbur xoog leh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.