Natanyahu Oo Uganda kula kulmey masuul sare oo katirsan Suudaan.
Maamulka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in ra’iisul waare Bin Yamin Natanyahu uu dalka Uganda kula kulmey masuul sare oo katirsan golaha milliteriga ee sida dhabta ah gacanta ugu haya talada wadanka Suudaan.
Natanyahu wuxuu si ka fool ka fool ah ula kulmey Cabdil-Fataax Al-burhaan oo ah madaxa golaha sare ee wadanka Sudaan, oo talada wadankaas la wareegay wixii ka dambeeyey markii talada laga tuuray Cumar Al-bashiir.
Sida uu sheegayo maamulka Yahuudda, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii dib loo soo celin lahaa xiriirka Suudaan iyo Yahuudda, islamarkaana hawada Suudaan ay u isticmaalaan diyaaradaha ka imaanaya Latin America ee ku wajahan magaalada Al-Qudus.
Masuul sare oo katirsan xukuumadda Suudaan ayaa dhankiisa xaqiijiyay kulanka uu Al-burhaan la qaatay Natanyahau, wuxuuna sheegay in dhankooda ay codsadeen in Yahuudda ay Suudaan kala shaqeeyaan sidii kelinimada looga saari lahaa oo caalamka loogu soo dari lahaa.
Kulanka ay yeesheen Natanyahu, ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda iyo Cabdil-fataax Al-burhaan waxaa isku diba riday dowladda Imaaraadka Carabta oo si cad xiriir muuqata ula leh maamulka Yahuuda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin.
Arintan waxay kusoo aadeysaa iyadoo dhawaan Donald Trump uu si toos ah shaaca uga qaaday in dhulka Filastiin uu ku wada wareejiyay maamulka Yahuudda, islamarkaana jirin cid ka hadli karta.