Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Siinka-dheer.

Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helayaa qarax khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan dowladda Federaalka oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Mqudisho.

Wararka laga helayo deegaanka Siinka dheer ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 6 askari halka sedax kale ay dhaawacyo soo gaareen.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ku beegsaday gaari Cabdi Bile ah xilli uu ku socdaalayay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho, ugu yaraan 6 askari oo Murtadiinta katirsan ayaa ku dhimatay tira kalane waa ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in burbur xooggan uu gaaray gaarigii qaraxu beegsaday, dad ku sugan deegaanka Siinka dheere ee duleedka Mqudisho ayaa sheegay in ay arkeen meydad iyo dhaawacyo goobta qaraxu ka dhacay lagasii daabulayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.