Saldhiga Xabashida ee Halgan Oo Duqeyn lagu garaacay.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn culus ku garaacay saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya wilaayada Hiiraan ayaa xaqiijinaya in ay soo gebegebowday howlgal duqeyn ah oo lagu garaacay saldhiga Xabashida, taas oo in muda ah socotay.

Qoriyaasha waaweyn ee hoobiyaasha iyo B10-nada ayaa lagu garaacay saldhiga Xabashida ee Halgan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro waxyeello gaartay ciidamada Itoobiyaanka ah.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay gobolka Bakool lagu dilay labo askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo si cajiib ah ay uga takhaluseen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.