Waa Kuma Maxamed Xusni Mubaarak, Madaxweynihii hore ee Masar?

Mubaarak oo la fadhiya Natanyahu, ra’iisul wasaaraha Yahuudda

Dowladda Masar ayaa iclaamisay in in madax weynihii hore dalkaasi Maxamad xusni Mubaarak uu geeriyooday isagoo 91 sana jir ah,

Maxamad xusni ayaa xukunkiisi lagu riday kacdoonkii shacbiga ahaa ee dhacay sanaddii 2011.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku dhintay qolka daryeelka ee Isbitaalka Ciidamada Al-jalaa ee caasimadda Masar, ee Al-Qaahira ee caasimadda Masar.

Mubarak waxaa la dhigay Isbitaalka Al-jalaa subaxnimadii Talaadada, Janaayo 21, ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay lagu ogaaday inuu u baahanyahay qalliin buro, Janaayo 24, ka dib wuxuu u dhaqaaqay qolka daryeelka degdegga ah.

Muhammad xusni Mubarak wuxuu dhashay 4tii may ee sanadkii 1928 isagoo ku dhashay Kafar almasiilaxah, ee degmada maniifiyah, ee gobolka Delta wadanka Masar.

Kadib markii uu dhammeeyay waxbarashadiisii heerka koowaad iyo kan sare, waxa uu ku biiray kulliyadda militariga ee Masar waxa uuna shahaadada koowaad ee jaamacada ka qaatay cilmiga militariga sanadkii 1948, kadib wuxuu shahaadada bakaalooriyoos ee cilmiga hawada qaatay sanadkii 1950kii.

Mubarak si dhaqso leh ayuu uga soo qalin jabiyey jagooyinka milatari, 1964 waxaa loo magacaabay taliyaha saldhig cirka hawada galbeedka Qaahira, si uu unoqdo duuliyaha ugu da’da yar ee tijaabo u noqda saldhig cirka.Waxaana markaa loo magacaabay agaasime kuliyada militariga 1967, markaa madaxii shaqaalaha ee Dagaalkii Cirka Masar.

Sanadkii 1972, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga.Waxa uu qaatay taliskii ciidamada cirka Masar intii lagu jiray dagaalkii Oktoobar 1973, kaas oo Ciidanka Cirka Masar ay sameeyeen mid ka mid ah gantaaladii ay ridayeen, ka dib waxaa loo dalacsiiyay jagada koox hawadda.

Bishii Abriil 1975 Madaxweyne Anwar Sadat wuxuu u magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda, wuxuu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib dilkii Sadat 6-dii Oktoobar, 1981, waxaana dib loo doortay afar jeer oo isku xigta sanadihii 1987, 1993, 1999, iyo 2005.

Kadib afgambigii lagula kacay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa talada wadankaasi qabtay cabdil fataax al-siisi maxkamada dambiyada Qaahira ayaa
9-kii November, 2014kii xukun kuriday Madaxweynihii talada laga tuuray ee xusni Mubarak, labadiisa wiil, wasiirkiisa arimaha gudaha, iyo kuwa kale oo dhamaan lagu eedeeyay dacwadaha lagu soo oogay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilal loo geedtay banaanbaxayaashaii kacdoomka ka dhigayay wadanskii bishii Janaayo 2011, iyo musuq maasuq dhaqaale.

Xusni mubaarak ayaa waxa uu ahaa hoggaamiye taariikh madoow leh isagoo gacan saar wanaagsan lalahaa Yahuudda iyo reergalbeedka, waxaa lagu tiriyaa mid kamida hoggaamiyaashii ugu xumaa ee soo maray caalamka Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.