Waceeysle oo Suldaan ku Doortay Wilaayada Galgaduud.(Sawirro)

Munaasabad aad u ballaaran oo ka dhacday degmada Ceel dheer ee wilaayada islaamiga ee Galgaduud ayaa beesha Waceysle oo kamid ah Abgaal waxay ku dooratay suldaan cusub oo ku hogaamiya ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Xaflada lagu dooranayay Suldaanka oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan wilaayaadka islaamiga, Nabadoonno iyo waxgarad ayaa ahayd mid aad u qurux badan, kana muuqatay in dadaal dheeri ah lagu bixiyay.

Doorashada suldaanka ayaa socotay labo maalmood oo xiriir ah, waxaana waxgaradka beesha ee xafladda isugu yimid ay ugu dambeyntii isla garteen in Daa’uud Xassan Aadan uu noqdo suldaanka guud ee beesha Waceysle.

Nabadoonno kala duwan iyo waxgarad soomaaliyeed oo xafladda kasoo qeybgalay ayaa jeediyay kalimaad u badnaa dardaaran iyo mahadcelin, waxayna si gaar ah ula dardaarmeen Suldaan Daa’uud.

Waceysle ayaa ku heshiiyay inuu noqdo mid mideysan, islamarkaana garab taagan maamulka islaamiga ee wilaayada Galgaduud, waxayna Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga mahadceliyeen juhdiga iyo taageerada ay la garab istaagtay qabsoomidda Xaflada lagu dooranayay Suldaanka.

Suldaanka ayaa waxaa wilaayada Islaamiga Galgaduud gudoonsiisay Kitaabka Qur’aanka, Raayada Towxiidka, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah, waxaana faras magaalada ku dhexmaray Suldaanka.

Hoos Ka daawo Sawirro laga soo qaaday Munaasabadda lagu doortay Suldaanka beesha Waceeysle.


 














 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.