Weerar Injineero Shiinees ah lala eegtay oo ka dhacay Laamu.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo ku sugan Laamu.

Wararka ka imaanaya gobolka Laamu ee Kenya ayaa ku waramaya in weerar hubeysan lala eegtay injineero Shiinees ah iyo askar Kenyaati ah oo howlo shaqo ka waday qeybo kamid ah deegaannada Lamu.

Weerarkaani oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Hindi iyo Mala-hooy, islamarkaana u dhow saldhiga Comp Simpa ee deegaanka Manda-Bay ee dalka Kenya, kaas oo dhawaan marti geliyay weerar culus oo lagu dilay askar badan oo Maraykan ah.

Weerarka oo ahaa Kamiin ayaa waxaa loo dhigay Injineero Shiinees ah iyo Ciidamada Kenya oo la socday, waxaana Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen laba gaari oo kala ahaa Booyad iyo Wiish, iyadoona Mujaahidiinta goobta ku gubay gaadiidkaasi.

Weerarkan waxyeellada dhaliyay ayaa imaanaya iyadoo dhawaan deegaanka Katuula ee gobolka Wajeer ee NFD ay Mujaahidiintu ku weerareen askar Kenyaati ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.