Wilaayada Gedo iyo Beesha Dhalxe oo Heshiis gaaray.
Qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Gedo waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo dhexmaray maamulka Wilaayada iyo jufada Dhalxe oo kamid ah beel weynta Sade ee Soomaaliyeed, waxaana labada dhinac ay ka heshiiyeen arimo taagnaa.
Kulanka oo socday todobo maalmood oo xiriir ah ayaa lagu qaatay dowro sharci ah, waxaana dhinac kale masuuliyiinta wilaayada islaamiga ee Gedo iyo nabadoonnada beesha ay ka heshiiyeen xurguf soo jirtay.
Qodobada labada dhinac ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah in beeshu ay sii xoojiso ku dhaqanka Shareecada islaamka, in beeshu ay beri ka tahay dadka ku jira safka Shisheeyaha ee ka dhashey beesha iyo in beeshu la shaqeyneyso maamulka wilaayada islaamiga ah ee Gedo.
Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab oo ah waaliga cusub ee wilaayada islaamiga ee Gedo, oo isagana ka hadlay munaasabadda ayaa beesha ku dhiirageliyay iney ka dhabeyso heshiiska la wada gaaray, wuxuuna dhanka kale ku dhiirageliyay iney si deg deg ah u furaan machadka sharciga ee beesha.
Wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya ayaa waxaa ka jira maamulo islaami ah, kuwaas oo dadka ku dhaqa diinta Islaamka, waxaana taasi ay keentay in amni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo degmooyinka iyo deegaannada ay ka jiraan maamulladaas islaamiga ah.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan heshiiska beesha Dhalxe iyo Wilaayada Gedo