AFRICOM: Awooda Al-Shabaab Way sii Xoogeysaneysaa.

Generaal Stephen Townsend oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta Maraykanka wuxuu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, duqeymaha ay ka geysanayaan iyo taxadiyaadka ad adag ee ku hur gudban Maraykanka.
Wuxuu sheegay Stephen in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay leedahay awood ballaaran, islamarkaana lagu tiriyo faracyada ugu adag ee Al-Qaacida, awoodna ay u leedahay iney qaado weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka ee geeska Africa.
“Al Shabaab waa garab ka mida Al Qaacida, waana garabka ugu dhaqdhaqaaqa badan Al Qaacida, xitaa waxay leeyihiin awood ay hawlgalo kaga fulin karaan dibadda, taasoo aan ka aragnay Xerada Mandy Bay ee dalka Kenya, 5-tii bishii January. Waxaan kaloo ognahay inay jiraan khatar ah in la weeraro safaarado iyo isu soo baxyada dadka meelo ka baxsan carada iyo xuduudaha Somaliya.” Ayuu yiri Stephen Townsend.
Isagoo sii hadlaya taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ayuu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xitaa awood u yeelan karto iney weeraro khasaare dhaliya ka fuliso gudaha wadanka Maraykanka.
“Al Shabaab waxaa ay doonayaan inay weeraraan dadka Mareykanka meel walboo ay ka hellaan, xitaa gudaha Mareykanka. Ma garanayo inay leeyihiin awood ay hadda taasi ku samayn karaan, laakiin haddii aanu iska dhaafno hal daqiiqo, si dhakhso ah ayay u awoodi karaan in gudaha Mareykanka ay waxyeelo ka gaystaan.” Ayuu yiri Generaal Townsend.
Tan iyo markii uu xilka taliyanimo ee ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa uu la wareegay ayuu Generaal Stephen sheegay in halista uga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay aad u korortay, marka loo barbar dhigo sideed bilood kahor.
“ Halista amni ee ka imaaneysa Al-Shabaab waa mid aad u sarreysa bilihii lasoo dhaafay, waana mid ka badan sideed bilood kahor xilligaas oo aan la wareegay hogaanka AFRICOM” ayuu yiri Stephen Townsend.
Maraykanka ayaa duqeymo aan loo aaba yeelin ka geysanaya koonfurta Soomaaliya, halkaas oo uu ku laayay dadyow shacab ah oo aan ahayn dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana Maraykanka inkastoo uu ku andacoonaya iney duqeymahaas kaga gol leeyihiin xakameynta awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ay hadana saraakiishooda ugu sarreysa ee milliteriga sheegayaan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay marba marka ka dambeyso sii xoogeysanayo awoodeeda, taas oo hadda keeneysa in Maraykanka uga cabsi qabo weeraro ay ku fuliso gudaha wadankiisa.