Al-Qaacida Oo bogaadisay Heshiiska uu Maraykanka uga baxayo Afqaanistaan.

Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab oo ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-Qaacida ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare, kaas oo lagu bogaadiyay heshiiskii dhawaan dhexmaray Imaarada islaamiga iyo dowladda Maraykanka, kaas oo ciidamada Shisheeyaha looga saarayo wadanka Afqaanistaan.

“Ugu horeyntii  waxaan u mahad celineynaa Allaah Cazza Wajalla oo ka dhabeeyay hadalkii adoonkiisa Amiirul Mu’miniin Mullaa Cumar Mujaahid ee yiri hadalkii caan baxay ee ahaa “Allaah weyn wuxuu noo yaboohay guul, Buush-na wuxuu noo ballanqaaday Jab, Caalamkuna wuu arki doonaa labadaas ballamood mida dhabowda”. ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qaacida.

Wuxuu bayaanku sidoo kale soo gudbiyay talooyin ku socda shacabka Afqaanistaan oo loogu baaqay iney la shaqeeyaan Imaarada islaamiga, ka amar qaataan, islamarkaana garab u noqdaan maamulka islaamiga ah ee laga hirgelinayo wadankaas.

“Shacabka reer Afqaanistaan ee wanaagsan, waxaan idin kula dardaarmeynaa inaad Allaah uga mahad celisaan guushan weyn, kadibna waxaan idin kula dar daarmeynaa, inaad ka dambeysaan hogaankiina xikmadda badan ee Imaarada islaamiga, intaba ay ku dhegantahay diinteeda iyo Shareecada Rabigeeda, waana inaad ku adeecdaan oo aad ku maqashaan wixii macruuf ah, waa inaad cadeystaaan jacaylka aad u qabtaan Imaarada, una hiilisaan oo aad gacal ka dhigataan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhawaan ayay ahayd markii wufuud ka kala socota Maraykanka iyo Imaarada islaamiga ah ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo uu Maraykanku ku ogolaaday inuu isagoo jabay ka baxo wadanka Afqaanistaan, shareecada Islaamkana lagu soo rogo wadankaas.

Heshiiskan waxan qeyb ka ahayn xukuumadda Kaabul, iyadoona ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqanaistaan ay wadaan dagaallo ballaarna oo ka an ha askarta xukuumadda Kaabul.

Bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida, wuxuu kusoo aaday iyadoo muftiga guud e Imaarada uu fatwo uu soo saaray ku sheegay inaaney jiri karin maamul kale oo laga dhisi karo wadanka Afqaanistaan, wadankana lagu soo rogi doono ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

20 sano kadib, haddii uu Maraykanku ka baxo Afqaanistaan waxay ka dhigantahay inuu ku jabay dagaalkii uu ku qaaday wadankaas sanadkii 2001-da, maadaama uu sheeganayay inuu baaba’inayo Dhaalibaan, maantana uu ku qasbanaaday inuu wadahadal la galo, una hogaansamo shuruudaha Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

You might also like
1 Comment
  1. Xaydar xasan says

    Asc dhamaan walaalaha idaacada alfurqaan waad mahadsantihin sida qiimaha iyo qaayaha badan ee aadnoo soo gudbisaan wararka bishaarooyinka ah kaasoo uukufarxayo qof kasta ee muslim ah jecelna mujaahidiinta guulo waweyn gaaran sida imaarada afgahnistan oo hishiis qiimabadan leh lagashay gaalada marenkanka isaga oo duleysan imaarada kacodsaday inuu wadahadal lagalo taasina kuma imaanin fadhi iyo baryo ee waxaykutimid bacdallah weeraradaxoogan oo lagu hayay marenkanka iyo kuwa daba socdaba ilaahey idinkii inta dhimanna weydhamaan

Leave A Reply

Your email address will not be published.